Daawo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliimo Yareey oo ka hadashay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo

20 june 2020 (Puntlandes) Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliimo Yareey oo xalay ka hadshay munaasabad lagu daahfurayey mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ayaa ka hadashay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.




Xaliimo Yareey oo aan aan caddayn in doorashada 2020/2021 ay ku dhacayso qof iyo cod ayaa tiri “waxaan ummadda soomaaliyeed ugu bishaaraynayaa inay maalin maalmaha ka mid ah, oo aad u dhow ay heli doonaan xaqqii ka maqnaa, oo ahaa codkooda inay dhiibtaan, oo qofkay rabaan doortaan, ee aan dad BEEN BEEN AH loo soo dooran”





Puntlandes.com

About The Author