Madasha Xisbiyada oo sheegtay in Dowlada Federalka ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah
20 june 2020 (Puntlandes) Qoraal ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in dowlada federaalku ay ku fashilantay qabashada doorashada qof iyo cod ah, iyagoo ku baaqay shirweyne deg-deg ah in la isugu yimaado.
War Saxaafadeedkaan ayaa loogaga hadlay qoddobadii ay dhowaan hordhigeen Baarlamaanka federaalka guddiga labada Aqal ee baarlamaanka federaalka u qaabilsan arrimaha doorashooyinka, waxaana loogu baaqay Golaha Shacabka inuusan ansixin dhammaan qodobada ay guddigaan u soo gudbiyeen.
Hoos ka aqriso war saxaafadeedka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran
Puntlandes.com