Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay in Kuraasta Haweenka ay ku fadhiyaan iminka loo gaar yeelo
21 june 2020 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay mooshin ay shalay gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada, kaasoo ay ku dalbanayeen in kuraasta ay Haweenku ku fadhiyaan loo gaar yeelo.
Dood kulul ayaa shalay ka dhalatay qoondada Haweenka ee kuraasta Baarlamaanka, waxaana qaar ka mid Haweenka ay dalbadeen kuraastoda aan lagula tartamin.
134 Xildhibaan ayaa ansixiyay in Haweenka kuraastooda loo gaar yeelo oo aan lagu darin ragga, halka illaa 10 Xildhibaan ay diiday.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada diiday ayaa ku eedeeyay Guddoonka Golaha in habka ay u mareen ansixintan aysan waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Guddigii wadajirka ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka ayaa soo gudbiyay illaa afar xeer sida qoondada Haweenka, mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, arrinta Gobolada Waqooyi iyo deegaameynta Kuraasta, waxaana ka horyimid xeerkaas madasha Xisbiyada Qaran iyo odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada.
Puntlandes.com