Dhagayso: Gudoomiyaha Golaha Sare ee la taliya madaxweynaha Puntland oo laga waraystay doorashada 2020/2021 iyo xiirka DFS iyo dawlad goboleedyada

21 june 2020 (Puntlandes) Barnaamijka Martida Mikrafoonka ee toddobaadkan ee idaacadda VOA ayaa waxaa marti ku ahaa Nuuraddiin Aadan diiriye oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee la taliya madaxweynaha Puntland ayaa laga waraystay doorashada Soomaaloiya ee 2020/2021 iyo xiirka DFS iyo dawlad goboleedyada dalka.






Gudoomiye Nuuradiin oo la waydiiyey in Puntland ka qaybgelayso shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay ayaa yri “waxay ku xiran tahay in shirka lagu baaqay uu noqdaa shir siyaasadeed, ee sidaad ka warqabtid, ee shirka lagu baaqay waa kii NSC (golaha amaanka dalka) la oron jiray, hadana arimo waawayn oo siyaasadeed ayaa jira, Puntland hada waxay soo saartay go’aan ay leedahay ….waxaan taageersanahay shirka uu ku baaqay gudoomiyaha Aqalka Sare, waqtigaana waxay ula muuqatay in taas ay ka muuhiimsan tahay shir arimaha securitiga la isugu yimaado”

Nuuradiin ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn in lagu dhaqmo sharciga ku salaysan 4.5 oo ay tahay in laga gudbo iyo xeerarka siyaasadaysan oo lagu kabay. Nuuradiin ayaa sheegay maadaama aysan ka suurtogal ahayn hab dhaqanka soomaalida in muddo xileedka dawladda waqti dheeraad ah lagu daro ay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho la iskuy waafaqsan yahay.




Dhagayso waraysiga Gudoomiyaha Golaha Sare ee la taliya madaxweynaha Puntland uu siiyey VOA

 

Puntlandes.com

About The Author