Wasiirka Caafimaadka Puntland oo maanta sheegay inay korortay dadka uu ku dhacayo safmarka Covid19

22 june 2020 (Puntlandes) Wasiirka caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo maanta warsaxaafadeed xafiiskiisa ugu qabtay Puntland Tv iyo xafiiska warbaahinta wasaaradda ayaa ka hadlay xalaadiihii ugu danbeeyay ee Safmarka Covid19.






Wasiirka ayaa ugu horayn sheegay in xanuunka uu dib usoo laba kacleeyay laga soo bilaabo ciidii kadib markii uu batay isku imaatinka bulshada, waxa uu sidoo kale sheegay in shaybaarada Puntland ay baareen dad ka badan 900 qof kuwaasi oo 306 qof laga helay, sidoo kale waasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in 15 qof oo degaanka Galmudug ah lagu baaray shaybaarka maalmaha soo socdana ilaa 22 qof la baari doono kuwaasi oo Galmudug laga keenay.

Wasiirka ayaa sheegay inuu shacabka la wadaagayo inay jiraan labo shaybaar oo kala yaala magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay si wangsan ushaqaynayaan, aana nahay maamulka kaliya ee labo shaybaar haysta soomaliya,waxaana uu hadalkiisa raaciyay in todobaadyada soo socda magaalada Galkacyo la gayn doono shaybaarkii saddexaad ee lagu baarayo xanuunka Covid19, si looga baaqsado dheecaanada laga keenayo gobolka Mudug ee lagu baarayo shaybaarada kale.

Wasiirka ayaa waxa uu amaanay goaanadii ka soo baxay shirkii guddiga sarre ee Covid19 ay yeesheen khamiistii 11 bishan June ee uu shir gudoomiyay madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani kaas oo goaano wax ku ool ah laga soo saaray, waxaana uu bogaadiyay in la joojiyay shirarkii ururada siyaasada sidoo kale kulamada dawliga ah ee muhiimka loo arko la isku raacay in loo sameeyo habraac loo maro oo la dajiyay.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa shacabka usoo jeediyay inay kordhiyaan feejignaantooda isticmalaana qalabka looga hortago xanuunka inuu kugu dhaco, dadka iska shakiya ama isku arka calaamadaha xanuunkana ay la soo xiriiraan xarunta telphonka 343 si looga baaro.

Puntlandes.com

About The Author