Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi
23 june 2020 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.
167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.
Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa horey u meel mariyay xeer qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, waxa ayna hada ka doodayaan Xildhibaanada Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka sare.
Puntlandes.com