Jubaland oo caddaysay inaysan aqbali doonin xeer kasoo baxa golaha Shacabka oo aan ku imaan wadatashi
24 june 2020 (Puntlandes) Jubaland ayaa sheegay in aanay aqbali doonin qeybna ka noqon doonin fulinta sharci ama xeer ka soo baxay Golaha Shacabka oo aan ku imaan wadatashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileyda siyaasadda.
Dhanka kale Jubaland ayaa soo dhoweysay qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa ka falcelinta xeerka dhammeystirka doorashooyinka ee la been abuuray, kaasoo uu ka doodayo Golaha Shacabka, waxaana ay ku baaqday in la hakiyo doodaha, akhrinta iyo u codeynta xeerarkaas.