War-Saxaafadeed: Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in Shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabiyaanka Madaxda dalka

24 june 2020 (Puntlandes) Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Golaha Shacabka, iyadoo walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii gaaray kulankii dhanka qadka Internet-ka ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxda DFS iyo DG, kaasoo ahaa in la joojiyo doodaha Xeerarka uu ka doodayo Baarlamaanka.





Sidoo kale dowladda Puntland ayaa ka digtay in shuruucda dalka lagu saleeyo damac gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsaneyn Dastuurka KMG, laguna dhiiranayo been abuur iyo is daba marin sida ku cad Warqada Guddoomiyaha Aqalka Sare.





Puntlandes.com

About The Author