Sawirro: Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyey Xisaabxirka 2019, warbixintii Guddiga Dhaqaalaha & suaalihii la waydiiyey (muuqaal)
02 July 2020 (Puntlandes) Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka Miisaaniyada 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad.
Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.
Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7).