Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xilkii ka qaaday Labo Wasiir iyo Magacaabayna kuwo cusub

04 July  2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xilka ka qaaday Labo wasiir oo ka tirsanaa Golihiisa Wasiirada.






Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa xilka looga qaaday  Wasiirkii Warfaafinta iyo Wasiirkii Macdanta iyo Batroolka.

Xil ka qaadista Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa loo aaneynayaa arrimo kala duwan, sida cod sir ah oo horay looga duubay bilo ka hor markii Madaxweynaha Koofur Galbeed uu Baarlamaanka weydiistay in muddo sanad loogu daro, isaga iyo Baarlamaankana hal mar isla dhacaan.

Puntlandes.com

 

About The Author