Daawo Video: Somaliland oo ka hadashay xiirkeeda Taiwan sheegtayna inay xiriir qarsoodi ah la lahayd.
04 July 2020 (Puntlandes) Somaliland ayaa ka hadashay xiriir dheer intiisa badan ay ku sheegtay inuu ahaa qarsoodi oo ay lahayd Taiwan, 3waxayna si dagan uga jawaabay digniintii ay dowladda Shiinaha soo gaarsiisay kuna aadaneyd xiriirkaas.
Dhawaan ayaa la sheegay iney xiriir diblomaasiyadeed yeelanayaan Taiwan oo ay dawladda China u aqoonsan tahay inay ka mid tahay dalka Shiinaha iyo Somaliland oo Somalia ay u aqoonsan tahay iney ka mid tahay.
Labada maamul oo aan aqoonsi caalami ah ka heysan dunida oo dhan ayaa isu magacaabay wakiilo sida uu sheegay wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, waxeyna wada gaareen heshiis wada shaqeyn dhan walba ah, balse waxaa arinkaan digniin kasoo saaaray dowladda Shiinaha.
Wasiir Faratoon oo u jawaabayey Shiinaha ayaa waxa uu sheegay inuusan culeys badan u arkin hadalka kasoo yeeray safaaradda Shiinaha ay ku leeyahiin Muqdisho.
“Warka Shiinaha uma aragno inuu culeys nagu yeelanaayo, inaga waxaa na sheegta Soomaaliya, halka Shiinaha ay sheegtaan Taiwan, balse labadeenuba waxaa nahay kuwa madax banaan, mana na khuseyso arintaas” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon.
Daawo Shirkii jaraa’id ee wasiir Faratoon
Puntlandes.com