Wararkii u dambeeyey Mudaharaadkii Muqdisho & Ciidamada Booliska oo rasaas ku kala eryay, dad la xirxiray….
05 July 2020 (Puntlandes) Ciidamada Booliska DFS ayaa rasaas ku kala eryaya dad isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon oo doonayey inay dhigaan banaan bax looga soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Banaan baxan oo qaban qaabadiisa la hadal hayay tan iyo xalay ayaa la sheegay inuu yahay mid hordhac u ah banaan baxyo ay qorsheynayaan inay Muqdisho ka dhigaan Mucaaradka dowladda.
Dadkaan oo aan sidaa u badneyn oo soo gaaray fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa ku dhawaaqayey dooni meyno iyo erayo kale, sidoo kale waxaa ay wateen dadkaas boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo looga soo horjeedo muddo kororsi dowladdu ay sameysato.
Ciidamada Booliska oo goobta yimid ayaa dadka isugu soo baxay ku riday rasaasta ka dhacda qoriga Dhashiikaha.
Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo fara badan, si ay uga hortagaan banaan baxyo ay mucaaradku qorsheeyeen.
Dad la xirxiray iyo wariyeyaal qalab laga qaatay
Ciidamada Booliska ayaa xirxiray qaar ka mid ah dad horkacayay banaan baxaas.
Ciidamada ayaa is hortaag ku sameeyay wariyeyaal duubayay banaan baxa, waxaana laga qaatay qalabkooda warbaahinta, wariyayaasha qalabka laga qaatay waxaa ka mid ah howlwadeeno ka tirsan Telefishinka Universal.
Qoraal goor dhow Telefishinka Universal uu soo dhigay barta Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Booliska ka qaateen qalabkooda, mid ka mid ah wariyeyaashooda loogu hanjabay in la dilayo.
Dadka ay Ciidamadu xireen ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif iyo labo qof oo mid dumar aheyd, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaas la jirdilay.
Puntlandes.com