Alshabaab oo sheegtay inay dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle
05 July 2020 (Puntlandes) Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen Xaaji Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabelle kadib markii ay saaka kala degeen gaari uu la socday oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa sheegtay in weerar gaadmo ah ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab saaka ku qaadeen gaari marayay meel u dhexeysa magaaloyinka Jowhar iyo Balcad ayna kala degeen gaari uu saarnaa xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad.
Gaariga lagala degey xildhibaanka ayaa ka tegey saaka magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho,waxayna dableyda wadada u gashay gaariga ay fasaxeen dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas oo noociisu ahaa Noah.
Wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa hore weeraro ay uga geysanayeen labadii sano ee la soo dhaafay dagaalamayaasha Alshabaab iyagoo weeraradaas ay ku dhinteen xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe,ciidamo AMISOM ah iyo ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Puntlandes.com