Akhriso War murtiyeedkii Madaxda dawlad Goboleedyada iyo Shir ka dhacaya Dhuusamareeb

06 July  2020 (Puntlandes)  War murtiyeed ayaa laga soo saaray shir dhinaca khadka ku dhex maray Madaxda dawlad goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed.




Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada dalka ayaa waxay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyagoo isla gartay labo qodob:1- Iin shir degdeg ah la isugu yimaado 9 bisha July ee ku beegan khamiista, kaasoo looga tashanayo arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

2- Shirkan waxaa looga tashanayaan sidii ay shir degdeg ah isugu imaan lahaayeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaddib markii uu fashilmay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee qorsheysnaa inuu shalay oo 5 July dhaco, balse maamul goboleedyada aanay soo xaadirin.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid meel xasaasi ah maraya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo go’doon siyaasadeed, mar haddii dawlad goboleedyadii ku dhowaa aysan qeyb ka noqon qorshihii uu watay ee dhinaca doorashada.

Hoos ka akhriso

Puntlandes.com

About The Author