Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay doorashada

06 July  2020 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho 10 cisho ah qaadatay oo uu ku tagay dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub.






Ra’iisul Wasaare Khayre oo tan iyo intii uu dalka ka maqnaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka ay yara hakad ku jireen, ayaa u muuqda mid uu boorka dib uga jafayo, isagoo bilaabay kulamadiisa dhinaca siyaasadeed .

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Khayre iyo Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlan ayaa ka wada hadlay taageerada dheeraadka ah ee loo qabo qabashada doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo dadaaladaas uu Xafiiskiisa hormuud ka ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowaan ka sheegay shirkii Golaha Wasiirada in doorashada dalka ay waqtigeeda ku dhaceyso, isla markaana noqoneyso doorasho la isla ogol yahay oo ay ka wada tashtaan dhammaan saamileyda siyaasadda.

Soomaaliya ayaa galeysa marxalad kala guur siyaasadeed iyo doorashooyin ku soo fool leh, waxaana socda kulamo looga arrinsanayo hannaanka doorashada dalka oo ay ka qeyb qaadan doonaan Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.

Puntlandes.com

About The Author