Sawirro: Madaxweynayaashii hore iyo Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood oo kulmay

07 July  2020 (Puntlandes) Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh oo uu wehliyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa la kulmay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood oo ay hoggaamiyeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Kulankan ayaa ka dhacay Hoyga Sheekh Shariif oo ah xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana looga hadlay guud ahaan xaalada dalka, doorashooyinka iyo Shirka Beesha Mudullood ee dhici doona 13 bishan July.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kala hadlay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood siduu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudullood, una noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in qaban qaabada shirka ay meel wanaagsan mareyso, isla markaana shirka dhici doona 13 bisha July uu noqon doono mid ay beesha ay u dhan tahay.

Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood ayaa dadaal ugu jira sidii shirka 13 bishan July uu u noqon lahaa shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan xubnaha beesha ku matala dowladda iyo siyaasiyiinta kale.





Puntlandes.com

About The Author