Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Somalia (UNSOM) oo ka hadlay shirka dawlad goboleedyada dalka ee 9ka bishan ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb

07 July  2020 (Puntlandes) Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ka hadlay shirka ay madaxda dawlad goboleedyada Soomaaliya ay 9ka bishaan oo ku beegan khamiista saadambe ah ay ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.






UNSOM ayaa barta twitter-ka soo dhigay qoraal ay Qaramada Midoobe kusoo dhaweyneyso shirka ay dawlad goboleedyada dalku ku qabsan doonaan Dhuusamareeb.

“Xafiiska Qaramada Midoobe wuxuu soo dhaweynayaa shirka ay qorsheeyeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo hordhac u ah shirweynaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo looga wada xaajoonayo arrimaha aas-aasiga ah ee muhiimka u ah qaranka oo ay ka mid yahiin: Doorashooyinka, xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynayaasha shanta dawlad goboleed ay ku heshiiyeen iney ka wada hadlaan arimaha masiiriga gaar ahaan doorasha dalka ee 2020-2021.

Shirkaan uu Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya soo dhaweeyey qayb kama ahan madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaafi Farmaajo oo ka madax adaygan in uu nooca doorasho watigeedii dhacda kala tashto madaxda dawlad goboleedyada dalka, kadibna waxay ku balameen inay qabsadaan shir dawlad goboleedayada ah.






Puntlandes.com

About The Author