Sawirro: Ciidamada Haramcad oo laga daadgureeyey Dhuusamareeb
08 July 2020 (Puntlandes) Ciidamada Booliska Haramcad oo ay dowladda Federaalka horay u geysay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa goor dhaw laga soo qaaday iyadoo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha dawlad goboleedyada.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ku dhawaad 200 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad looga soo qaaday, waxayna kusoo wajahan yahiin magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa ka qeyb qaatay xasilinta amniga magaalada Dhuusamareeb, waxeyna ka shaqeeyeen iney doorasho ka dhacdo caasimadda taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in amarka lagu soo daadgureeyey ciidankaan uu bixiyey Ra’iisul wasaare Khayre, waxaan ilaa iminka gaaray magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Hirshaeellee.