Daawo RW Khayre “Muddo kordhintu waxay horseeddaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid Dastuur”

09 July  2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.






Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri.“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”

Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, isagoo yiri “Doorashadu waa inay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi, si aan u xaqiijino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan”

Intii shirka socday ayaa qaar ka mid ah Wasiirada waxay soo jeediyeen in Ra’iisul Wasaaruhu uu tago Dhuusamareeb, si uu ula kulmo madaxweynayaasha dawlad goboleedyada dalka oo ku shiraya magaalada Dhuusamareeb, inkastoo Wasiiro qaar ay diideen oo ay dalbadeen in laga war sugo shirkaas, maadaama dawlad goboleedyada ay diideen shirkii uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirrada ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dardargelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Waa markii labaad oo Ra’iisul Wasaaruhu mowqif cad ka istaagay doorashada, kuna celiyay in doorasho ay dalka ka dhaceyso ay tahay mid laga wada tashtay, isagoo meesha ka saaray shakigii ku jiray muddo kororsiga.





Puntlandes.com

About The Author