Madaxweyne Farmaajo sharuud adag oo aan suurtogal ahayn ku xiray doorshadada inay dhacdo waqtigeeda
09 July 2020 (Puntlandes) Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaliaya oo lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyey baaqii golaha wasiirada dawladda Federaalka oo ku saabsanaa in doorashau waqtigeedii dhacdo ayaa madaxtooyadu waxay ku xirtay sharuud adag oo aysan suurto galinayn inay doorashadu ku dhacdo waqtigeedii.
Qoraalka ayey madaxtooyadu ku tiri ”Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka….”
Dastuurku wuxuu sheegayaa in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sharciga Doorashooyinka uu isagu samaystay oo ku salaysan 4.5 na wuxuu tilmaamayaa in doorashada dalka looga dambeeyo Guddiga Doorshooyinka Qaranka oo ay gudoomiyaha u tahay Xaliimo Yareey, iyadoo dhawaan codsatay muddo 13 bilood ah.
Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyaddu wuxuu koow caddaynayaa inuu jiro khilaaf u dhexeeya Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, iyo in madaxtooyadu ay doonayso inay tashwiish ku furto shirka aadka muhiimka u ah ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka.
Daawo Heesta Farmaajo ee “Cakuye Howl Aduun badanaa, Ma Cidlo Ceersilaa fadhiyaa, Cir kaadheer dhulkaa dheer”
Puntlandes.com