Dhagayso: Farqiga u dhaxeeya qoraalada MD Farmaajo iyo RW Khayre ee doorashada
10 July 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si cad shalay uga horyimid in dowladda hadda jirta muddo kordhin loo sameeyo, isagoo sheegay inay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo ayna ku dhacdo wadatashi iyo midnimo.
RW Khayre ayaa yiri “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”
Dhanka kale, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka golaha wasiirradu ay ku gaareen in doorashadu ay xilligiigeedi ku dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay “inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka”
Inkasta oo labada qoraal ay ka wada siman yihiin in doorasho la qabto, haddana waxaa muuqata in macno ahaan iyo ujeedo ahaan kala duwan yihiin, iyadoo uu madaxweyne farmaajo ku xiray sharuud horseedaysa muddo kororsi.
Dhagayso waxbixin ay VOA ka diyaarisay
Puntlandes.com