Dawao sawirro Shirka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka furmay
11 July 2020 (Puntlandes) Shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goor dhow furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug.
Madaxda dowlad goboleedyada ka qeybgalaysa shirka ayaa dhamaantood waxay khudbadahooda ku soo qaateen in doorashu ku dhacdo waqtigeeda lana qabto doorasho la isla ogol yahay.
Ajandaha shirka maanta ayaa kaliya ah furitaanka khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada, kadibna waxaa loo guda gelayaa shirar ay albaabada u xiran yihiin oo ay si gaar gaar ah iyo si guudba ay u yeelanayana wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddiyo Farsamo ay iska magacaabeen shanta dawlad goboleed