Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal “ma aqbalayno doorasho dadban”
15 July 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeestay war-murtiyeedkii dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen magaalada Dheesamareeb.
Guddoomiyaha ayaa oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka ee maanta isagoo sheegay inaysan aheyn wax la aqbali karo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.
Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in Maamul Goboleedyada aysan xaq u laheyn iney go’aan ka gaaraan jihada loo marayo doorashada dalka, taa badalkeeda ay iyagu masuul ka yahiin wax walba, wuxuuna yiri ‘Maamul Goboleedyada Go’aan kama gaari karaan Doorashada dalka ka dhacaysa iyo qaabka ay noqoneyso”
Mursal ayaa yiri “Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada”
Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha shacabka oo ku sugan Dhuusamareeb uusan matalin Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb,” ayuu yiri xilli wajigiisa laga dheeha karay carada uu ka qaaday safarka Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ee Dhuusamareeb.
Shirka Dhuusamareeb dhawaan ka dhacay waxaa la isla gartay in dalka galo doorasho dadban, tiiyoo ay jirto in Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha lagu casuumay.
Ra’isal Wasaare Khayre ayaa shaly gaaray magaalada Dhuusamareeb iyadoo la filayo inuu halkaasna gaaro madaxweyne farmaajo uuna ka furmo wajiga labaad ee shirka dawladaha Xubnaha ka ah dawladde Fedraalka iyo DFS.
Puntlandes.com