Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo shaqaaqo ku dhexmartay galbeedka gobolka Mudug.

17 July  2020 (Puntlandes) Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda dawladda Puntland Dr Abdifitah Hassan Walloore ayaa waxa uu u diray baaq nabadeed beello walaalo ah oo shaqaaqo ku dhexmartay galbeedka gobolka.






Hoos ka akhriso baaqa wasiirka:

 

Waxaan baaq nabadeed udirayaa beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhex Martay degaanka barwaaqo ee galbeedka mudug labada beelood ee walaalaha ah beesha reer aw ismaaciil ee ( xirsi muimin aadan) iyo beesha maxamed talareer xijiijle (wadalmogge) Baqayga oo kabooban 3-Qodob

1- baaq nabadeed
2- tacsi iyo duco
3- in waxa lagu muransanyahay lagahishiiyo xalna Looga gudbo waxa dhibka, dhimasha iyo dhaawaca keenay

1- waxaan kubaaqayaa wixii dhacay wax kadambeeya in aysan dhicin oo la isxakameeyo
Dadku waa muslimiin, xigto, ehel, walaalo waxaan aduun la’aan iyo aakhiro la’aan ahayn lagama faaiido dagaal waxba kuma hagaagaan dagaal wiil baa ku dhinta ee
Wiil kuma dhasho

2- waxaan tacsi murugo leh udirayaa dadkii ehelka ahaa ee fidnada nasiib Xumada ah ee dhacdey maanta taariikhduna ay tahay 16-07-2020 dadka kudhintay allaha unaxariisto dadka ay kabxeena samir iyo iimaana allaha naga wada siiyo intii kudhaawacantayna allaha ubooga dhayo

3-in waxa lagu muransantahay aysan u soo noqon xal waarana laga gaaro waxaan dadka caqliga usaaxiib ka ah kacodsanayaa in aan loo kala harin xalinta arintaas dhimashada iyo dhaawaca keentay oo hadda cakiran maqane iyo joogaba

 

Wasiir hore Puntland

Dr Abdifitah Walloore

mahadsanidiin

About The Author