Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku soo biiraya shirka Dhuusamareeb

19 July  2020 (Puntlandes) Wafdi hordhac u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.






Wafdigan ayaa isugu jira howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Duqa Muqdisho iyo Ilaalada, waxaana ay gogol xaar u yihiin safarka Guddoomiye Cumar Filish berri oo Isniin ah ku imaanayo Dhuusamareeb.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku soo biiri doona Madaxda ku sugan Dhuusamareeb, si uu qeyb uga noqdo shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo doorashooyinka iyo arrimo kale.

Puntlandes.com

About The Author