Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb
19 July 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Imaatinka Deni ayaa kusoo beegmaya xili ay socdaan shirar gaar gaar ah oo lagu qaadaa dhigayo Magaca Shirka u furmaya Dowlada Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada qorshe ah in magaca Shirku noqdo Shirka Golaha Amniga Qaranka halka madaxda Dowlad Goboleedyadu rabaan in shirkan loogu yeero, Shirka wadatashiga Dowlada Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Puntlandes.com