Sawirro: Baarlamaanka dawladda Puntland oo doortay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland (muuqaalo)
19 July 2020 (Puntlandes) Baarlamaanka dawladda Puntlande ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland, iyadoo uu habraaca doorasha akhriyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland Xil. Cawil Xassan Daad.
Wareegii 1aad oo ay ku tartamayeen Siciid Cabdi Muumin, Maryan Axmed Cali iyo Faysal Mahdi Cali ayaa waxay codadka u kala heleen musharixiintu sidaan, waxaa codeeyay 62 Xildhibaan, cod qarsoodi ah waxayna u dhacday:
- Siciid Cabdi Muumin 28 Cod
- Maryan Axmed Cali 31 Cod
- Faysal Mahdi Cali 3 Cod
Wareegii 2-aad oo ay ku tartamayeen Maryan Axmed Cali & Siciid Cabdi Muumin ayaa isna waxaa codka loo kala helay sidaan:
- Siciid Cabdi Muumin 31 Cod
- Maryan Axmed Cali 31 Cod
Waxaa codeeyay 62 Xildhibaan, cod qarsoodi, waxaana loo gudbay wareega 3-aad, maadama ay noqdeen codadku tiro-isle’eg.
Wareega 3-aad ee cod-bixinta oo ay ku tar-tameen labada Musharax, ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland Siciid Cabdi Muumin oo helay 34 Cod, halka Maryan Axmed Cali heshay 28 Cod, waxaa codeeyay 62 Xildhibaan, cod qarsoodi.
Waxaana Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland u dhaariyeen xilka maanta loo doortay.
DHAARTA DASTUURIGA AH
“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.
Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu DPL ayaa ah Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya Hay’adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso si waafaqsan sharciga dalka Puntland.
Sidoo kalena, waxa uu ka shaqeynayaa, ku wacyi-galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta Dawladda muhimadda ay leedahay
dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyadda Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah isaga oo baaraya cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyo hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad-qaadka xuquuqda aadanaha.
Puntlandes.com