Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo aqalka Madaxtooyada Galmudug ku kulmey
19 July 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulankan ayaa sida ay shaacisay madaxtooyadda Jubaland ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubaland.
Madaxweyne farmaajo ayaa muddo sanad ku dhow diidanaa inuu aqoonsado doorashii madaxweyne Axmed Madoobe lagu doortay, taas oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo uusan aqoonsanayn.
Puntlandes.com