Sawirro: Shir hordhac ah oo Dhuusamareeb ka socda

20 July  2020 (Puntlandes) Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa iminka waxaa ka socda Shir hordhac u ah shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha JFS, Ra’iisul wasaaraha XFS, iyo Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya wuxuuna k socdaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Shirkaan ayaa la doonayaa labada aragti ee aadka u kal fog ee ay kala qabaan madaxweyne Farmaajo oo dhan ah iyo inta kale oo dhan ah in la isku soo dhaweeyo. Farmaajo ayaa doonaya in waqti loogu daro si uu u qabto doorasho uu ku tilmaamay qof iyo cod laakiin aan ah 4.5 kuraasta loo asyanaypo beelo iyaga kaliyana ay iska sharixi karaan, halka ay inta kale ay aaminsan yihiin in muddo kordhin ay dalka gelinayso qalalaase iyo burbur waxayna doonayaan doorasho dadban maadaama aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah waqtiga haray, iyagoo doonaya inay wax ka bedelaan tii 2016kii dhacday.




Puntlandes.com

About The Author