Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay dhaqangelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wadatashiga Puntland

20 July 2020 (Puntlandes) Fadhiga 21aad ee Kalfadhiga 46aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta qabsoomay waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.





Ajandaha fadhiga maanta ayaa waxaa ka mid ahaa dhaqangelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wadatashiga Puntland, kaas oo ka qabsoomay Garowe bishii maarso ee sanadkaan 2020.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa ka dooday dhaqangelinta Qodobadii ka soo baxay shirweynihaas, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo cod u qaadida.

Dib u dhigista dhaqangelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wadatashiga Puntland ayaa keentay tallo soo jeedinada Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shir u dheeya Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda.

Puntlandes.com

About The Author