XOG: Shirarkii goos gooska ahaa ee Dhuusamareeb iyo shirkii la filayey inuu maanta furmo
20 July 2020 (Puntlandes) Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtidii oo ay taariikhdu ahayd 18ka July gaaray caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxeweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo KGS, waxaa isna isla galabnimadii gaaray halkaas madaxweynaha Jubaland oo Garowe u aaday aas, halka uu isna madaxweynaha Puntland gaaray shalay oo axad ahayd.
Dhuusamareeb waxaa ka socday sabtidii iyo shalay kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kulamadaan ayaa ayaa lagu doonayey in la isugu soo dhawaado inta uusan furmin shirka DFS iyo Dowlad Xubnaha ka ah dawladda Federaalka.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu kulamadaas ka helnay ayaa waxay sheegayaan inaysan jirin wax mira ah oo ka soo baxay kulamadaas.
Xalay ayaa waxaa qaatay kulan gaar ah Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubbaland, mana jiro isna wax la isugu soo dhawaaday.
Sidoo kale waxaa xalay markii uu soo dhamaaday kulanka hore yeeshay kulan Ra’iisul wasaare Khayre iyo 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleed, kaas oo qabsoomay waqti dambe ahaana mid looga tashanayo arimaha shirka.
Shirku waxaa hareeyey mugdi ku saabsan madaxweyne Farmaajo oo ku adkaysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod* ah uusanna marna aqbalayn wax ka duwan taas.
Ilo xog ogaal ah oo Dhuusamareeb ku suagn ayaa nala wadaagay in Farmaajo si toos ah marakan miiska usoo saartay muddo kordhin ugu yaraan 2 sano ah oo uu ku sheeganayo inuu ku qabanayo doorasho iyo inaysan u cuntamayn wax kale.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynayaasha dawladda Xubnaha ka ah Federaalka ayaa aaminsan in muddo kordhin ay dalka gelinayso qalalaase iyo burbur waxayna doonayaan doorasho dadban maadaama aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah waqtiga haray, iyagoo doonaya inay wax ka bedelaan tii 2016kii dhacday.
Madaxweyne Farmaajo oo kaligiis ku ah ayaan doonayn in dalka ay ka dhacdo sidii caadada ahayd doorasho ku dhacda waqtigeedii, waxaana iminka jira jahwareer ka abuurmay abitaanka Farmaajo.
Sida qorshuhu ahaa wuxuu shirku furmi lahaa maanta mana furmin ee waxay madaxdu maanta isugu yimaadeen shir la isugu dayayo in looga qaado carqabadaha hortaagan shirka lamana yaqaan goorta iyo inuu furmayo shirku inkastoo uu dadaal aad u xoog badan wado madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug.
*Doorashada uu farmaajo ku sheegayo qof iyo cod waa doorasho 4.5tt beelaha ah kuraastana loo asteego beelo oo aan si xor ah loogu tartami karin, kamana dhici karto inta badan dal oo wuxuu rabaa in Muqdisho ku qabsado, kursiga loo asteeyey beel hebla muhiim ma ahan in beeshu doorato laakiin iyadaa iska leh kursiga.
Puntlandes.com