Kulamo goos goos ah oo ka socda Dhuusamareeb

21 July 2020 (Puntlandes) Shirkii Madaxda dowlad federalka iyo dowlada Xubnaha ka ah dawladda Federaalka ee la filayey inuu furmo maanta ayaa dib u dhac uu ku yimid iyadoo xalay kulan ay labada dhinac yeesheen uu qaatay saacado badan aanna lagu heshiin waxba.






Waxaa la isla qaatay in kulamadu ay sii socdaan maadaama aan ilaa iminka lagu heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa iyadoo qof iyo cod ay u baahan tahay muddo kordhin loo sameeyo madaxda iminka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu muujinayo inuu xoogaa ka soo dabcay mowqifkisii adkaa ee ahaa qof & cod, isla markaana doonayo in waqti la siiyo oo aan la dedejin, shirarka gaar gaarka ahna sii socdaan inta farsamo ahaan wax la is waafajinayo.

Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.

Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka  ayaa intooda badan qaba in doorashadu noqoto mid dadban balse la kordhin karo kaqaybgalka dadweynaha, halka dhanka Dowladda ay ku doodeyso doorasho dadweyne.

 

Puntlandes.com

About The Author