Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo ka doodaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah

21 July 2020 (Puntlandes) Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa markii u horraysay ka doodaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, oo muhiim u ah hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.






Fadhiga  22-aad ee Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ,ayaa Maanta oo Talaado ah looga doodayaa dhammaystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood.

Dhismaha Maxkamadda,  ayaa u baahan in Shanta xubnood ee Maxkamadda Sare oo hadda dhisan lagu kordhiyo afar Garsoore oo laga soo xulay Bulshada, si loo dhammaystiro Sagaalka xubnood, waxaana Maxkamadda Dastuuriga ah Guddoomiye u noqonaya isla Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Afarta Garsoore, waxaa laba kamid ah dooranaya Golaha Wakiilada, halka labada kalena ay soo xulayaan Golaha Xukuumadda, waxaana dhammaantood ansixinaya Mudanayaasha Baarlamanka, si loo dhammaystiro Maxkamadda Dastuuriga ah.

Haddii la dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, waxay awood u leedahay Xallinta Khilaafaadka ku salaysan Dastuurka ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda, taasi oo muhiimad gaar ah u leh hirgelinta Hannaanka Xisbiyada oo Puntland haatan u gudbayso.
Puntlandes.com

About The Author