Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo u codeeyey in Ajandaha Kalfadhiga 46aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah
21 July 2020 (Puntlandes) Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay maanta ka doodaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, oo muhiim u ah hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.
Fadhiga maanta waxaa ku sugnaa 39 Xildhibaan Ajandaha, waxayna Xildhibaanadu dood sharci ah ka yeeseen dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof ka aamuseyna ma jiro.
22 sanno ka dib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada Dawladda Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.
Puntlandes.com