Waa Kuma Siyaasi Ismaaciil Aadan Diiriye? Maxaase lagu xushey Ismail Dirie?
Aqoonyahan Ismail Dirie, Waxa uu kasoo jeedaa Qoys si weyn looga yaqaano Somalia gaar ahaan Koonfur Somalia Gobolada Baay Bakool Iyo Banaadir. Qoyska Reer Diiriye Ayaa Daganaa Gobolada Baay iyo Bakool in ka badan 100-Sano,Waxana ey kamid ahaayeen Qoysaskii ugu Dhaqaalaha iyo Siyaasada badnaa Deegaanada Baay Iyo Bakool.
Kolka Qoyska Reer Diiriye iyo Reer Dhoys laga hadlaayo waxa lagu xasuustaa Taariikho kala duwan. Tusaale kooban Ismail Aadan Diiriye, Aabihiis Aadan Diiriye waxa uu kamid ahaa Ururkik Syl kadibna waxa uu noqdo Siyaasi Xildhibaan ka noqdey Dowladihii Soomaaliya.
Sidoo Kale Adeerkiis Maxamuud Diiriye ayaa isna ahaa Siyaasi Xilal badan kasoo qabtay Dowladihii Soomaaliya soo maray Isla markaana Xildhibaan noqday, Sidoo kale Reer Dirie ayaa Iyagu leh Taariikh fog, waxaana Qoyska Reer Dirie kasoo jeeda Siyaasi Nuradin
Aadan Diiriye oo ey Walaalo Yihiin Ismail.
Hayeeshee Xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya hadana haya ah La-Taliyaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, marka taa laga yimaado Ismail waa Aqoonyhan ku Xeel dheer Culuumta Xiriirka Caalamiga ( International Relations ) iyo Public Management).
Ismail intaa waxaa u dheer waxa uu lee yahay khibrad shaqo oo isugu jirta mid Dowladnimo Iyo mid gaar ahaaneed, Ismail Dirie waxa uu ku hadlaa intii ogaalkey Saddex luuqadood marka lagu daro Soomaaliga Afar ( Arabic, English, Swedish, Maay iyo maxaatiri oo Soomaali ah)
Ismail waxa uu sidoo kale aad u yaqaan Culuumta Shareecada Isagoo Quraanka Xifiday Kolkuu 14-Jir ahaa kana bartay Sheekh Ali Suufi.
Ismail Dirie, waxaan qabaa waxa lagu xushey Aqoon Iyo Karti Kolka lagu daro Qoyska Siyaasadeed ee uu kasoo jeedo ( Dynasty Family ) Hadaba waxaan qabaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uu doortey Siyaasi wax badan kusoo kordhin doona Dowladiisa iyo Shacabka Koonfur Galbeed.
Xigasho: Allidamaale
Daabacaad:Puntlandes.com