Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ku matala Jubaland

21 July 2020 (Puntlandes)  Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.




Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Xildhibaanadaan la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano si xoogan u taageeri jiray dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo oo la dirirtay axmed Madoobe.





Puntlandes.com

About The Author