Sawiro Mamulka iyo Ardayda Iskuulka Nawaawi Bosaso oo taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka
Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaad-diid” oo maalmihii lasoo dhaafay wacyi galinta la-dagalanka Qaadka ka waday Gobalka Bari ayaa maanta oo Khamiis ah booqday Dugsiga sare ee Imamu Nawaawi Bosaso, halkaasoo uu kulan kula qaatay mamulka iyo Ardayda.
Mamulaha Dugsigan oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Siciid Muuse ayaa muujiyay inay ku faraxsan yihiin wacyigalinta uu wado Abuukar Cawaale inay soo gaartay Nawaawi Bosaso, wuxuna mamulaha balan qaaday inay muujin doonaan doorkooda ku aadan wacyi galintan.
”Waxaan balan qaadaynaa haddaanu nahay mamulka Dugsiga Nawaawi inaan waxbarasho lacag la’aan ah siin doono toban carruur ah haddii Hooyooyinkooda iska joojiyaan iibinta qaadka, waana arrin muhiim ah taasi” Muuse ayaa sidaasi yiri.
U olaleeyaha joojinta Qaadka Soomaaliya Qaad-diid oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay kulankan ayaa sheegay inay waajib ku tahay dhalinyaradda hada so koraysa looga wacyi galin lahaa dhibaatooyinka uu qaadku lee yahay,docda kale Cawaale ayaa tilmaamay goobaha waxbarashada iyo ardayda dhigataa inay muhiim tahay inay dareenkooda ku cabiraan xumaanta Qaadka, qoraal, suugaan iyo muuqaal sawirro.
Cabaas Siciid Cabdisalaan oo ka mid ah Ardaydda dhigata Dugsiga Nawaawi ayaa talo ahaan dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ugu soo jeediyay inay qorshe u diyaariyaan hooyooyinka qaadka iibiya ee doonaya inay hadda isaga baxaan, kuwaasoo nolal maalmeedkooda kala soo baxa.
Ugu danbayntii waxay mamulka Nawaawi iyo gudoomiya la-dagalanka Qaadka isla garteen in la joogteeyo ka hadalka dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay Qaadka.
Masaajidka Al-Rowda ee magalada Bosaso ayaa lagu qabanayaa caawa kulan wacyi galin ah halkaasoo lagu soo bandhigayo diinteena Islaamku waxay ka qabto qaadka iyo cunistiisa.
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD