Sawirro: Ciidamada PSF hawlgal ka fuliyey degaanada Tuurmasaale, Il iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari

22 July 2020 (Puntlandes) Ciidamada PSF ayaa waxay 48-kii saac ee la soo dhaafay (20-21 July, 2020) ka fuliyeen degaanada Tuurmasaale, Il iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah kooxda Daacish .




Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan cadowga Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi ,uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale,Soomaaliyana joogay ilaa 2014-kii isaga oo masuul ka ahaa dhib badan oo ay kooxda Daacish u geysteen shacabka Soomaaliyeed sida dilal,qaraxyo iyo dhibka ugu weyn oo uu hadda ku hayey dadka reer guura ah ee degaanadaas isaga oo xoolahooda xoog kaga qaadi jirey isla mar ahaantana u diidi jirey reer guuraagu in ay xoolaha daaqsadaan qaybo ka mid ah dhul daaqsimeedka.

Dhanka kale, waxay ciidanka PSF ka gubeen cadowga Daacish kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan,daawo,rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Intii hawlgalkani socday ma jirto wax khasaare nafeed ama hantiyeed oo ka soo gaaray ciidamada PSF.





Puntlandes.com

About The Author