Daawo sawiro badan: Xaflad soo dhaweyn ah oo madaxweynaha Cabdiweli iyo wafdigii la socday loogu sameeyey xarunta madaxtooyada Jubaland
Aqalka madaxtooyada Jubba-Land waxaa xalay 04 March, 2015 lagu qabtay munaasibad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey wafdiga baaxadda leh ee Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas.
Munaasibadda waxaa ka qayb galay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba-land, Golayasha wasiirada labada dhinac, saraakiisha ciidamada Jubba-Land, odayaasha dhaqanka Jubba-land, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo madasha ka hadlay ayaa caddeeyey in Puntland iyo Jubba-land ay yihiin laba Dawladdood oo mataano ah, isla markaana ay markasta diyaar u yihiin la shaqaynta iyo taageerada shacabka iyo madaxda Jubba-land.
Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Max’ed Islaan ‘Axmed Madoobe” ayaa dhankiisa sheegay inay si diiran usoo dhoweynayaan Madaxda Dawladda Puntland ee martida ah , isla markaana ay baahi weyn u qabaan taageerada Dawladda Puntland.
Waa munaasibaddii ugu horraysay ee nooceeda oo kale ah oo ka dhacda Madaxtooyada Dawladda Juba-land ee Kismaayo tan iyo markii la dhisay maamulka Jubba-land, taasoo lagu soo dhoweynayo Madaxda Dawladda Puntland.