Akhriso War murtiyeedkii Shirka Madaxda Dowlada Federalka iyo dawladaha Xubnaha ka ah

22 July 2020 (Puntlandes) Shirkii madaxda DF iyo dowladaha Xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah u furmay caawa ka dib kulamo hoose oo maalmihii la soo dhaafay u socday iyadoo hoolka shirka ay ku sugan yihiin mas’uulyiinta ka qeybgalaysa shirka balse la sugayo madaxda dowlada federalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah.






Kahor furitaanka shirka ayaa waxaa la helay nuqul ka mid ah warmurtiyeedka shirka laga soo saari lahaa iyadoo warmurtiyeedkana uu ka kooban yahay siddeed qodob.

Qoraalka ayaa waxaa ku xusan in guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii dalka looga qaban lahaa doorasho kana kooban dowlada federalka iyo maamul goboleedyada la sameeyo.

Sidoo kale warmurtiyeedka ayaa waxaa ku qoran in la qabto doorasho xiligeedii ku dhacdo,balse laguma xusin in doorashada ay tahay mid qof iyo cod ah iyo mid dadban toona.

Hoos ka aqri war murtiyeedka shirka oo la soo saaray




Puntlandes.com

About The Author