Wasaarada Waxbarashada DFS oo shaacisay in 500 oo arday ay Puntland ku galeen imtixaanka dugsiga Sare
23 July 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada DFS ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in arday gaaraysa shan boqol oo arday ay ku galeen imtixaanka dugsiyada Sare Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Imtixaankii shahaadiga ahaa ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ay u fariisteen in ka badan 35 kun oo Arday oo ay ku jireen 500 oo Arday, kana socotay deegaanada dowladda Puntland.
Hase yeeshee Wasaarada Waxbarashada ma aysan cadeyn sida iyo meesha ay ku galeen imtixaanka ardaydan ka socotay Puntland.
Dawladda Puntland ayaa imtixaan gaar ah u diyaarisay ardayda Puntland, iyadoo aan ka mid ahayn imtixaanka ay dowlada federaalku maamusho.
Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka Wasaarada Waxbarashada
Puntlandes.com