Dhagayso: Madaxweyne Shariif Xasan oo Maanta la kulmay Golahiisa Wasiirada
Maanta ayaa waxaa kulan isugu yimi golaha Wasiirada ee dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasoo uu shir gudoominayay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan .
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo lahadlayay Radio Garowe ayaa waxaa uu sheegay in xooga sedexda qodob lagu saarayay shirka’isagoona tilmaamay in ay sidoo kale uu jiro in shirka looga hadlay xeer ay kuwada shaqayn doonaan golaha wasiirada ee Maamulka Koon fur galbeed .
Xasan Cabdi ayaa xusay in dhawaan lasoo dhisi doono golaha Baarlamaanka oo ka koobnaan doona 95 xubnod isagoo sheegay in bishan aan kujiro daba yaaqadeeda ayuu sheegay in la dhisi doono.
Madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan uu dhamaystiray 2dii bishan golihiisa Wasiirada KG.
Dhagayso Wasiirka
Puntlandes.com