Sawiro: Madaxweyne Gaas oo kormeeray xarumaha maamulka Jubbaland ee Kismaayo
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayay ee maalmahan ku sugnaa magaalada Kismayo ee xarunta Maamulka Jubba-land ayaa maanta 06 March, 2015 waxay kormeereen xarumaha ha’adha Dawliga ah ee Dawladda Jubba-land Magaalada Kismaayo.
Kormeerka Madaxweynuhu ku sameeyey xarumahaas ayaa waxaa ku wehliyey Madaxweynaha Dawladda Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” waxaana goobihii la kormeeray ka mid ahaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha, Xarunta Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha, Xarunta Samaynta Taariikooyinka Gaadiidka ee maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” iyo masuuliyiinta maamulkiisa ayaa warbixino kala duwan ka siiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas qaabka ay hay’adahaas Dawliga ah u shaqeeyaan iyo faa’iidada laga dhaxlay mudadii ay jireen.
Waxaa sidoo kale Madaxdaxweynaha la tusay qaar ka mid ah Documentiyada iyo nidaamka ay ku shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn madaxda Maamulka Jubba-land ku bogaadiyay shaqooyinka muhiimka u ah Dawladnimada ee ay qabteen mudadii xilka hayeen.
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.