Sawirro: Xaflad xalay loo sameeyay madaxdii ka qeybgashay shirkii Dhuusamareeb (muuqaal)
24 July 2020 (Puntlandes) Waxaa magaalada Dhuusamareeb xalay loogu sameeyay xaflad sagootin ah Madaxda ka qayb gashay shirkii wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka oo habeen hore la soo gebagebeeyey.
Munaasabadan ayaa madaxdii shirka ka qeybgashay oo Idil iyo wufuuddii ay hogaamiyeen, Marka laga reebo Madaxwyene Farmaajo oo shalay galab dib ugu laabtey magaalada Muqdisho.
Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo suugaan kale, waxaana khudbado ka jeediyey masuuliyiintii ka qeyb gashay qaarkood oo Galmudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay u marti gelisay shirka.
Madaxda ka qeybgashay shirka iyo weliba wufuudii kale ee la socotay ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay u ambabaxaan deegaanadii ay ka kala yimaadeen.