DFS iyo Jubaland oo ka heshiinaya khilaafkii dhexdooda
24 July 2020 (Puntlandes) Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ku sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubaland inay ku heshiiyeen in khilaafka muddada soo jiitamayey si hoose loo xaliyo xal waarana laga gaaro khilaafkii u dhaxeeyey DFS iyo Jubaland.
Agaasimaha ayaa qoraalka yiri “Si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaas waxaa loo wajahey qaab farsamo kaasoo natiijadiisa la sugayo ka hor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballansan yahay 15 Agoosto 2020, Arrinta gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa la filayaa in mudadaas lagu xaliyo wixii dhaceyna si dhab ah looga wada garaabo”
Puntlandes.com