Wararkii ugu dambeeyay ee muranka Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay in xukuumada ay dhacday
25 July 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo la hadlay saxaafada isagoo ku sugan xafiiskiisa ayuu sheegay in ay xukuumada ku fashilantay hannaanka ku gaarista doorasho qof iyo cod ah iyo maqaamka caasimada,afti u qaadida meel marinta dastuurka,hirgelinta axsaabta siyaasadeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa kale oo uu sheegay in dowladu ay awoodi weyday inay keento ciidamo hanta amniga.
Ugu dambeyntii Mursal waxa uu sheegay in cod uu u qaaday kala noqoshada kalsoonida hadda jirta ee Xasan Cali Khayre. waa oggolaatay 170 waxaa diiday siddeed xildhibaan wax ka aamusay ma lahan.
Sidaa darteed waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka codsaday Madaxweynaha inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub.
Hase yeeshee lama oga sida ay sharcci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshadan maadaama ajandaha kulanka maanta uu ahaa doodo laga yeesho doorashada dalka.
Puntlandes.com