DEG DEG Golaha Wakiillada Puntland oo laalay heshiiskii is-afgaradka ee dhex maray Seychelles & Puntland ee Burcad-badeedda

26 July 2020 (Puntlandes) Fadhiga 25aad ee Kalfadhigiisa 46aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uuna shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa fadhiga maanta Ajandahu wuxuu ahaa dhameystirka u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.






Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland ka dib markii ay shalay  dhageysteen Warbixinada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Dawladda Puntland, Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Xeer-ilaaliyaha Guud Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Awcismaan Iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdullahi Cismaan Liibaan.

Dood dheer ka dib maanta ayaa Xildhibaannada, Golaha Wakiillada cod aqlabiyad ballaaran ah ugu codeeyay in la laalo heshiiskii is-afgaradka ee dhex maray Seychelles & Puntland, Bishii Maarso 15, 2011, Sidoo kalena loo saaray Guddi farsamo oo ka shaqeeya sii-deynta Maxaabiista Burcad-badeedka ugu xiran xabsiyadda Puntland.

Puntlandes.com

About The Author