Wadahadalada DFS & Somaliland: Oo Puntland ”ma dameer Dhaan raacday baa?”

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo madaxweyne Sheekh Shariif waxay u maamuleen Qadiyada wadahalada Walaalaha Somalinad si khaldan iyagoo aad moodo in aysanba doonayn in la wadahadlo lana heshiiyo.

Wadahadaladii hore waxaa laga ilaaliyey qabiilka Daaroodka ama ruux ka soo jeeda Puntland (Kalsooni ka haysta) kii u dambeeyeyna waxaa loo soocay wax lagu tilmaamay gudi oo ah Shaqsiyaad ka soo jeeda dhulka ay Somaliland Sheegato in uu Somaliland yahay laakiin Sool, Sanaag iyo cayn uusan ahayn Somaliland.

Shalay waxaa rayn rayn ku jiray Somaliland oo la dhacsanayd sida Xamar u maamushay Qadiyadan.

Maantana waxaa dadka waxgaradka ah ay qaadan waayeen ah in Puntland oo aan laga talagelin ”Gudiga” kuna lanayn ergada xubin ay ku darsatay in ay la soo boodo mashxarad iyo rayn rayn maadaama ay Somaliland iminka ka carootay ”gudigii Xamar”

Puntland maysan ahayn Gudigii madaxweyne Xasan oo aan wadin dan Soomaaliyeed in ay u riyaaqaan, waxaana hubanti ah in uu madaxweyne Xasan sidii uu u maamuli jiray uu u maamulidoono markaasna miyey mar kale Puntland qaylin mise?

Dadka wax odorasa waxayba leeyihiin madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha DFS waa isla ogaayeen gudiga ee waxaa la qaldayaa shacabka reer Somaliland oo mucaaradnimo xoog badan ay ka haysatao Siilaanyo oo xiligiisa ay ku egtahay 26 jun 2015 iyo madaxweynaha Puntland oonba lahayn aragti dheer oo hogaamineed iyo mid siyaasadeedba.

Wixii ka dhacay Turkiga ninka kaliya ee ku macaashaya ayna guusha u tahay waa madaxweyne Siilaanyo ee maaha cid kale.

Puntland hadal uma ekayn hadaysan xaajadeedu ahayn ”dameertii Dhaanka raacda”

Akhri Warsaxaafadeedkii Puntland

1751

 

Puntlandes.com

About The Author