Daawo Video: Golaha Wasiirada oo jawaab ka bixiyey qoraalladii kasoo baxay Mareykanka iyo EU
27 July 2020 (Puntlandes) Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Gulled ayaa kulankii ugu horeeyay ee shirka golaha wasiirada codka kalsoonida lagala noqday shir guddoomiyay, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelinta beesha caalamka, arrimaha amniga iyo tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii Khayre.
Qoraalka Golaha wasiirada ay soo saareen ayaa jawaab u ahaa baaqyadii adkaa ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ee ku socday madaxweynaha iyo baarlamaanka, kuwaasi oo looga soo horjeeday xil ka qaadista Kheyre.
Golaha Wasiirada ayaa waxay ugu baaqeen saaxiibada Soomaaliya oo ay ula jeedaan beesha caalamka inay ilaaliyaan madax bannaanida dalka, hammaan talooyinka ay siinayaana dowladda ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.
Hadalkaasi oo ka dhashay baaqyadii beesha caalamka ay ku cambaareeyeen tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre kuna xuseen in dib u dhac u keeneyso hannaanka dimoqraadiyadda iyo rajada caalamka ka qabay Soomaaliyada cusub
Puntlandes.com