Dhaqan galka go’aamada ay gaarto xukuumadda Professor/ Dr. Gaas W/Q Saliid

Waxaa jirta in aynu aragno in badan go,aamo sharciyadeed wax fasaxaya amma mamnuucaya oo ay gaarto Xukuumada Cabdiwali Gaas.

Go,aamadaas oo intooda badan aan loo marin qaabkii loo mari jirey hawl dawladeed, marka la fasaxayo sharci khuseeya nolasha bulsho dhan.

Intooda badan go’aanada dawlada Dr Gaas waxay ku salaysanyihiin laab la kac iyo iska orod aan lagaba fekerin suurto galnimada dhaqan galka sharcigaas. Ku darsoo waa wada Aqoonyahano uu ugu sarreeyo PhD nin haysta.

Ma dhici kartaa in Jaamacadaha aduunku iska bixiyaan, si tabarucaad ah Shahaadooyin??

Jawaabtu waa maya ee waxaa dhici karta in dadkaani ka arradan yihiin khibrad hogaamineed iyo qiimayn ka ballaaran midda ay dhici karto in ay barteen, sida (Buugaag ku saabsan 2+2 =4)

Waxay ahayd in ay ku shaqeeyaan ama wax ka bartaan qaabka loo maro go’aanqaadashada . Middaas oo aanba u baahnayn aqoon kale iyo Ph D ee u baahan oo kaliya in uu qofku qiimeeyo ama darso waxa ka imaan kara dhib iyo dheef go’aanka uu gaarayo. Go’aano badani waxay u baahnaan karaan in lagu cabiro (Aqoonta lagu sheego Dr Gaas) in la is waydiiyo dhaqaale ahaan suurtagal ma u tahay?. Waayo waxaa dhici karta in wax bulshada dhib ku ah in aan la joojin karin dhaqaale ahaan marka loo eego oo ay ka badan tahay awoodda dhaqaale ee dawladda. Qofka caqli uu wax ku cabiro haystaa ama PhD ha wato ama yuusan dugsi sare dhaafsiisnayne wuxuu raadiyaa siyaabo kale oo loo yareeyo dhibkaas. Waa markay u soo baxdo in uusan awood u lahayn joojinteeda dhaqaale ama sabab kale awgeed.

Hadaba go’aamadaas khaldanaa ee ay xukuumada Professor/Dr. Gaas qaadatay waxaa ka mid ahaa  go’aan ku saabsanaa mamnuucid laga mamnuucay in shacabka Puntland wataan Baabuurta Shukaanta midigta ku leh riix halkan faahfaahin. Taasoo xukuumadu u aragtay xal wax looga qabanayo shilalka baabuurta ee sababay dhimasho shacab tiro badan.

Sida aad ka arki karto markaad dib ugu noqoto oo aad akhridid, waxay soo jeediyeen in qofwalba oo wata babuurta cayntaas ah in ay bedelaan oo Isteerinka ama Shukaanta ku xiraan dhinaca bidixda ah.

Marka la fiiriyo isku dayga badbaadada shacabka  iyo sababta sharciga keentay waxay dad badani u qaateen wax wanaagsan. Maadaama ulajeedku yahay in dad la badbaadiyo.

Anigu Qof ahaan, hadii qofka caqligaas keenay uu yahay Geel jire waxaan siin lahaa Billad geesinimo. Sababtoo ah ma garan karo badelaad baabuur wuxuu u baahnaan karo xag kharash, mid aqoon iyo qalabba. Laakiin markay arinkaas kasoo baxday dadkaan aqoonyahanka wada sheeganaya waxaan ka murugooday xaalka ay Puntland ku danbaysey iyo cidda ay gacanta u gashay sida ay uga arradantahay hogaamin.   

Annagoo taa ka duulayna ayaan warbaahinta Puntlandes ku sharaxnay sida uusan suurto gal u ahayn in la dhaqan galiyo sharci caynkaas ah Riix halkan ama halkan . Waxaan sidoo kale ku lafogurnay khibrad darrida xukuumada Professor/Dr. Gaas iyo sida ay ay ugu marin habawsan yihiin habka loo maro shaqo dawladeed, iyagoo intooda badani u manna sheeganayey aqoon sare iyo shahaadooyin PhD iyo wax lamid ah. Go’aano kale oo ka soo baxay xukuumadda Professor/Dr. Gaas oo Puntlandes wax ka qortayna halkan ka akhriso: Jillaabashada Aargoosatada oo laga mamnuucay Puntland ama Madaxweyne Dr Gaas oo mamnuucay ka ganacsiga Hubka nooc kasta, ama qoraalkan ka hadlaya mawduucaan oo aadka u xuusaha badan akhri Maxay u shaqaynwaayeen Qodobada ka soo baxa Shararka Golaha Wasiirada Puntland

Hadaba sidee ku dhicikartaa in dad aqoontaas lihi ay galaan khalad intaas le’eg oo wax u dhimaya in hadhow la aamino waxa ay soo saareen in uu yahay wax caqli ku dhisan oo dadku aamini karo. Waxayna keeni gartaa in looba qaato hadalkooda iyo amarkooda sidii hadaladii fadhi ku dirirka. Fadhi ku dirir waxaa loola jeedaa maqaaxiyo ku yaala Europe iyo waqooyiga america oo inta badan ay ku falanqeeyaan siyaasadda, sida badan soomaalida shaqa la,aanta ah. Waxaaba jirta in qaar badan oo ku jira xukuumada Gaas ay kasoo jeedaan halkaas.

Taas kaliya ma ahee waxaan in badan sheegnay wax ay soo saaren in aysan caqli iyo cilmitoona ku dhisnayn, runtiina waa wax laga xishiido in dad aqoon u mano sheeganayaa uu ka go’aan wanaagsanaan lahaa qof aan waligiis skool dhiganin. Anigu qofbaan ahayoo waxaan oran lahaa bal adeerayaalo shaatigaan aqoonta  ah ee hadana ceebta iyo argagaxa usoo jiiday Aqoontii is ka bixiya oo umada u sheega inta waxaad wadataani ay yihiin iyo sidaad ku hesheen, si markaad ilduuftaan la idiinku garaabo. Si xataa ay u suurtowdo in talo la idin siiyo, ileen isma galaan waxaad samaynaysaan iyo waxaad sheeganaysaane.

Bal hadaba dib u jaleeca go’aankii xukuumadan iyo qoraalkii Puntlandes. Marka idinku xukuma oo wax ka dhaha xukuumadan aynu maanta haysano.

Waxaa kaloo fiirisaan inta waqti u harsan iyo qaabka ay doonayso in ay wax u waddo. Markaa ka dib bal qiimee sida xaalka Puntland ku danbayn doono.

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author